Sign in to follow this  
Deeq A.

Agabka diiwan-gelinta doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland oo gaaray Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1672221157665.jpg?resize=720%2C54

Agabka diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland oo xalay laga raray Garoowe ayaa maanta gaaray magaalada Boosaaso.

Gaadiidka sida Agabka diiwaan-gelinta oo shalay ka bixi lahaa Garoowe ayaa loo baajiyay sababa amni kadib markii ciidan hubaysan u galeen dalcadda Karin-dhiig oo qiyaastii 100km dhinaca bari ka xigta Garoowe.

Agabka diiwaan-gelinta ee xalay laga raray Garoowe ayaa lagu galbiyay cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka sida ay wararku xaqiijinayaan.

Diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland ayaa sida qorshaysan bilaaban doonta shanta bisha Jannaayo ee sannadka cusub 2023 oo maalmo kooban ka harsan yihiin.

PUNTLAND POST

The post Agabka diiwan-gelinta doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland oo gaaray Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this