Sign in to follow this  
Deeq A.

Muddaharaad xooggan oo mar kale saaka dib uga bilowday Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Muddaharaad xooggan ayaa mar kale saaka dib uga bilowday magaalada Laascaanood halkaas oo shalay ciidamada Somaliland ku laayeen dad shacab ah oo muddaharaad samaynayay.

Muddaharaadkan ayaa looga horjeeda dilalka qarsoon iyo kuwa muuqda ee lagu hayo shacabka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Dhammaan suuqyada iyo xarumaha Ganacsiga Laascaanood ayaa sidoo kale saaka xiran kadib markii Ganacsatadu shaqa-joojin sameeyeen.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka sare ee Baarlamanka Soonaaliya Sen. Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-cadde) ayaa xasuuq ku tilmaamay waxa ka socda Laascaanood.

“Waxaan aad u cambaaraynayaa xasuuqqa muddada dheer uu  Maamulka Soomaaliland ku hayo dadka shacabka ah ee  reer Laascaanood” ayuu yiri Tima-cadde.

PUNTLAND POST

The post Muddaharaad xooggan oo mar kale saaka dib uga bilowday Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this