Deeq A. Posted December 28, 2022 Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee Muqdisho ku soo dhaweeyay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Sidoo kale waxaa soo dhaweynta wafdiga qeyb ka ahaa Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre iyo ku-xigeenkiisa, qaar kamid ah madaxda dowlad gobolleedyada, xubno ka tirsan labada golle ee dowladda, saraakiil ciidan iyo shacab. Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo booqasho rasmi ah uga bilaatay maanta Muqdisho ayaa lagu wadaa in kulamo la qaato madaxda Soomaaliya, isagoo sidoo kale xarigga ka jiri doono xarunta Akadeemiye Goboleedka Af-Soomaaliga (AGA). PUNTLAND POST The post Ismaaciil Cumar Geelle oo soo gaaray Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites