Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Dowladda Itoobiya Oo La Shaaciyay In Berri Oo Khamiis Ah Ay Gali Doonaan Magaalada Maqale

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)- Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay gudaha u gali doonaan maalinta berri oo Khamiis ah magaalada Maqale ee xarunta gobolka Tigray, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Sida uu Warbaahinta u sheegay Ambassador Redwan Xuseen oo ah La-taliyaha Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ee dhinaca Amniga, waxaa sidoo kale maalintaa la fulin doonaa hub ka dhigista ciidamada TPLF.

Arrinta hub ka dhigista ayaa ahayd qodob kamid ah waxyaabihii ay horey ugu heshiiyeen dowladda Itoobiya iyo TPLF, isla markaana kulankii u dambeeyay ee Nairobi lagu xoojiyay in la fuliyo qodobka hub ka dhigista TPLF.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Wafdi ballaadhan oo dhinaca dowladda Itoobiya ka socda uu maalin ka hor ka degay magaalada Maqale, halkaas oo ay labada dhinac waa Itoobiya iyo TPLF ay ka wada hadleen sidii loo sii wadi lahaa hirgalinta waxyaabihii hore loogu heshiiyay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this