Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland: Interior Minister Says Terrorist Captured

Recommended Posts

Hargaysa (Waaheen):-Wasiirka Wasarada Arimaha Gudaha ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gabboose ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah Masuuliyiintii ka danbeeyay Falalkii lagu qarxiyey Somaliland October 2008, Xarumaha Madaxtooyada, Xafiiska qaramada Midoobay ee Hargeysa, iyo Xafiiska Xidhiidhka Ganacsiga ee Itoobiya,

 

sidaasina waxa uu ku sheegay wasiirku shir jaraa,id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargaysa,shirkaasi jaraa,id oo uu wasiir Gaboose kaga hadlay Xaalada Guud ee nabad-geliyada dalka kaasi oo uu dhinacyo badan kaga waramay waiirku.

 

Ninkan la qabtay oo uu magaciisa ku sheegay wasiirku Cismaan Yuusuf Odowaa,kaasi oo uu sheegay in uu dhalasho ahaan ka soo jeedo somaliland waxa kale oo uu wasiirku xusay in ninkan ay ku eedaynayaan in uu ka danbeeyay qaraxyadii somaliland ka dhacay sanadkii 2008 ka dibna uu dalka ka baxay maalmihii uu qaraxu ka dhacay, una baxsaday koonfurta somaliya gaar ahaan magaalada muqdisho,inkasta oo sida wasiirku sheegay wakhtigaasi ay ciidamada sirdoonka somaliland ay isku deyeen in ay qabtaan magaciisana ciidamada sirdoonku ay u gudbiyeen ciidamda booliska si loo qabto balse la ogaaday in uu dalka ka baxay wakhtigaasi.

 

Wasiirka ayaa cadeeyay in ay ninkan falka argagixiso loo haysto ciidamada booliska u suura gashay in ay shalay ku qabteen magaalada Hargaysa, imikana ay gacanta ku hayaan ninkaasi danbiilaha ah,oo dhawaan dalka ku soo noqday ka dibna ay ciidamada sirdoonka somaliland ka warheleen in uu dalka ku soo laabatay ninkaasi.

 

Wasiirka oo arintaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Ninkan hada la hayo waxaa magaciisa la yidhaahdaa Cismaan Yuusuf Odowaa una dhashay Hargaysa waa nin markii uu qaraxu dhacay dalka ka baxay isaga oo ay isla markiiba ciidamada Sirdoonku soo gudbiyeen magaciisa ninkaasi wuxuu ka mid ahaa ragii baxsaday Xamar baanu galay maxkamaduna ragii iyaga oo maqan ay xukuntay ayuu ka mid ahaa haddana dhakhso ayuu iigu soo gudbayaa macluumaadkiisu” ayuu yidhi waiirku.

 

Ninkan eedaysanaha ah ee loo haysto in uu ka mid ahaa masuuliyiintii ka danbeeyay qaraxyadii Hargaysa ka dhacay sanadkii 2008 kana mid ahaa xubno iyaga oo maqan ay maxkamadu ku xukuntay dil Toogasho ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this