Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Puntland oo sheegtay in jid-gooyo loo dhigtay doorashadii qof iyo cod

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1672148844741.jpg?resize=720%2C48

Xukuumadda Puntland ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay in jid-gooyo loo dhigtay doorashooyinkii qof iyo cod ee laga hirgelin lahaa Puntland

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa sheegay in degaanka Karin-dhiig ee Gobolka Nugaal jid-gooyo loo dhigtay doorashadii qof iyo cod.

Wasiirka ayaa jid-gooyadaas ku eedeeyay wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal.

Juxaa ayaa sheegay in maleeshiyaad hubaysan oo uu hoggaaminayo Xasan Abgaal ay jid-gooyo dhigteen Karin-dhiig.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmay xilli maanta la baajiyay gaadiidkii ka bixi lahaa Garoowe ee aqabka diiwaan-gelinta u qaadi lahaa dhinaca Gobolka Bari.

Xogo madaxa-bannaan ayaa sheegay in saaka dabley hubaysan lagu arkay nawaaxiga dalcadda Karin-dhiig taas oo baajisay gaadiidkii diiwaan-gelinta ee ka bixi lahaa Garoowe.

Wararkii u danbeeyay ayaa sidoo kale sheegaya in aysan jirin wax jid-gooyo ah oo hadda taalla laamiga Karin-dhiig.

PUNTLAND POST

The post Xukuumadda Puntland oo sheegtay in jid-gooyo loo dhigtay doorashadii qof iyo cod appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this