Sign in to follow this  
Deeq A.

Duulimaadyada Muqdisho oo berri la hakiyay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16721683952616204.jpg?resize=715%

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa berri oo arbaco ah hakisay duulimaadyada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Hakinta duulimaadyada Muqdisho ayaa la xiriirta imaanshaha wafuud uu ka mid yahay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo maalinta berri ku soo wajahan magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jabuuti uu ka qeybgalayo munaasabad xariga looga jarayo dhismaha xarunta ee cusub Akademiyada afka Soomaaliga oo hirgeliyey magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Madaxweynaha Jabbuuti ayaa kulan la qaadan doona madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ee ku shirsan magaalada Muqdisho.

FB_IMG_16721667031148390.jpg?resize=720%

PUNTLAND POST

The post Duulimaadyada Muqdisho oo berri la hakiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this