Sign in to follow this  
Deeq A.

Muddaharaad ka socda magaalada Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1672132193423.jpg?resize=720%2C86

Muddaharaad looga horjeedo dilalka qorshaysan ee lagu hayo dadka Gobolka Sool ayaa maanta ka socda magaalada Laascaanood.

Dadweynaha muddaharaadka samaynaya ayaa ku dhawaaqaya ereyo ka dhan ah maamulka Sonaliland ee haysta Gobolka Sool.

Dadweynaha qaarkood ayaa Somaliland ku eedaynaya dilalka madax-jebiska ah ee lagu hayo labeenta bulshada u dhashay Gobolkaas.

Amniga Laascaanood ayaa sii xumaanaya waxaana xalay oo u danbaysay lagu dilay mid kamid ah Haldoorka bulshada.

Dilalka qorshaysan ee lagu beegsanayo haldoorka oo aan cidna loo qaban ayaa Laascaanood ka socday mudadii ay gacanta ku haysay Somaliland.

PUNTLAND POST

The post Muddaharaad ka socda magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this