Sign in to follow this  
Deeq A.

Badweynta Hindiya oo fatahaad ku samaysay degaanka Garacad

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1672128286004.jpg?resize=720%2C48

Badweynta Hindiya ayaa fatahaad ku samaysay qayba kamid ah degaanka Garacad ee Gobolka Mudug sida ay sheegeen mas’uuliyiinta degaankaas.

Biyaha badda ayaa marba marka ka danbaysa u sii fidaya dhinaca magaalada waxaana meesha ka baxay camuudii u dhexaysa badda iyo berriga.

Mas’uuliyiinta degaanka ayaa walaac xooggan ka muujiyay fatahaaddan oo laga cabsi qabo in ay sii fiddo haddaan wax laga qaban.

Fatahaaddan ayaa la rumaysan yahay in ay sababtay isbeddelka cimilada adduunka (The Climate change) ee sii kululaanaysa.

Garacad ayaa kamid ahayd degaanno xeebeedyo ka tirsan Soonaaliya oo ay ku fatahday bad weynta Hindiya sannadkii 2004 kadib Tsunami ka dhacay dalka.

PUNTLAND POST

The post Badweynta Hindiya oo fatahaad ku samaysay degaanka Garacad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this