Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Somaliland oo dad rayid ah ku dhaawacay magaalada Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1672136274156.jpg?resize=720%2C40

Ugu yaraan lix ruux oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay rasaas ay ciidamada Somaliland ku fureen shacab muddaharaad ka samaynayay Laascaanood.

Dadweyne ka caraysan dilalka qorshaysan ee ka socda Laascaanood ayay ciidamada Somaliland ku fureen rasaas si ay u kala cayriyaan.

Waxaase falkaas ka dhashay dhaawacyo kala duwan oo soo gaaray dadka rayidka ah ee muddaharaadka samaynayay.

Dhaawacyada shacabka ayaa loola cararay xarumaha caafimaadka magaalada Laascaanood si xaaladooda loola tacaalo.

Dhinaca kale ciidamada Somaliland ee ku sugan Taliska Gooja-cadde ayaa loo daabulay dhinaca Laascaanood si loo xakameeyo muddaharaadka ka socda magaalada.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Somaliland oo dad rayid ah ku dhaawacay magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this