Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdinaasir Macallin Caydiid Oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Alle ha u naxariisto Cabdinaasir Macallin Caydiid oo xalay ku geeriyooday magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Cabdinaasir Macalin Caydiid waxa ku dhashay magaalada Cadan ee dalka Yemen 1959  , waxaana uu wax ku bartay dalkaasi., waxaana  uu noqday farsamo-yaqaan gaadiidka ah ama Makaanik 

Waxa fanka ku biiray horaantii sanadihii 1980-yadii , isaga oo bartay tumista  Kabanka  ama Cuudka oo layaqaan boqorka miyuusiga Soomaalida, waxaana uu u tumay fanaaniin caan ah oo ay ka mid ahaayeen Sahra Axmed Jaamac, Axmed Mooge Liibaan , Aamina Cabdilaahi Xirsi, Axmed Gacayte, Kinsi Xaaji Aadan, Saynab Cige Maxamed iyo qaar kale oo badan.

 Waxa  uu ahaa sida oo kale  laxamiste iyo heesaa  qaaday heeso dhawr ah oo aad macaan oo ay ka mid ahaayeen Nabsi oo uu lahaa Xuseen Rooble ( Xaa-Gujis) iyo kuwo  kale oo ay qaarkood ka hadlayeen noloshiisa  gaarka ahayd.

Alle ha u naxariisto waxa uu ahaa xubintii ugu dambaysay ee ka dhimata bahda Cuudka Soomaaliyeed

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this