Deeq A. Posted December 27, 2022 Alle ha u naxariisto Cabdinaasir Macallin Caydiid oo xalay ku geeriyooday magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia. Cabdinaasir Macalin Caydiid waxa ku dhashay magaalada Cadan ee dalka Yemen 1959 , waxaana uu wax ku bartay dalkaasi., waxaana uu noqday farsamo-yaqaan gaadiidka ah ama Makaanik Waxa fanka ku biiray horaantii sanadihii 1980-yadii , isaga oo bartay tumista Kabanka ama Cuudka oo layaqaan boqorka miyuusiga Soomaalida, waxaana uu u tumay fanaaniin caan ah oo ay ka mid ahaayeen Sahra Axmed Jaamac, Axmed Mooge Liibaan , Aamina Cabdilaahi Xirsi, Axmed Gacayte, Kinsi Xaaji Aadan, Saynab Cige Maxamed iyo qaar kale oo badan. Waxa uu ahaa sida oo kale laxamiste iyo heesaa qaaday heeso dhawr ah oo aad macaan oo ay ka mid ahaayeen Nabsi oo uu lahaa Xuseen Rooble ( Xaa-Gujis) iyo kuwo kale oo ay qaarkood ka hadlayeen noloshiisa gaarka ahayd. Alle ha u naxariisto waxa uu ahaa xubintii ugu dambaysay ee ka dhimata bahda Cuudka Soomaaliyeed Source Share this post Link to post Share on other sites