Deeq A. Posted December 27, 2022 Allaah u naxariistee waxaa magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya ku geeriyooday Fanaan Cabdinasir Macalin Caydiid oo kamid ahaa hobaladii Fanka Soomaalida. Cabdinasir Macalin Caydiid ayaa dhawrkii sano ee la soo dhaafay ku xanuun sanaa magaalada Hargeysa, waxaana xaalad caafimaad loogu qaaday dalka Itoobiya oo uu ku geeriyooday. Cabdinasir Macalin Caydiid waxa uu ku dhashay magaalada Cadan ee dalka Yamen, sanadkii markii uu ahaa 1959-kii 13-kii bishii November. Waxbarashadiisii aas-aasiga ahayd waxa uu ku qaatay magaalada Cadan, halkaas oo uu sidoo kale ka soo bilaabay waayihiisii kaban iyo fanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites