Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ilhaan Cumar oo shaacisay arrin ku dhacday kahor safarkeeda Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka Mareykanka ayaa xalay xaflad ballaaran oo soo dhaweyn ah loogu soo dhaweeyay Qasriga Madaxtooyada, waxaana munaasabaddaas soo qaban qaabiyay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Ilhaan oo ka hadlashay munaasabadda ayaa u mahadcelisay madaxda dowladda federaalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku soo dhaweeyay magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn Ilhaan Cumar ayaa ka sheekeysay safarka ay haatan kusoo gaartay gudaha Soomaaliya iyo sida ay ku qorsheysay, waxayna shaaca ka qaaday in kahor inta aysan kasoo socdaalin Washington looga digay in xilligan ay soo booqato gudaha Soomaaliya.

Waxa ay tilmaamtay in loo sheegay in waqtigaan Soomaaliya ay ka jirto amni xumo, isla-markaana ay ka dhacayaan qaraxyo iyo dhibaatooyin kale.

“Hadda marka aan soo socday waxaa la yiri waa waqtigii ugu xumeyd oo la tegaayi waddankii qarxis badanaa ka dhacoobo dhibaataa ka jirto waxbaa halleysan. Ilhaan waqtiga Soomaaliya la tegaayo waqtigaan aad usocotid ma’ahan ayaa laygu yiri” ayey tiri.

Sidoo kale waxay intaas raacisay “Alxamdulilaahi waxaa ii suuragashay Garoowe illaa Bandar Beella inaan gaari ku tego, waxaa ii suurta gashay inaan Muqdisho idin la joogo”.

Dhanka kale Senator Ilhaan Cumar ayaa dowladda federaalka ku boggaadisay go’aanka ay ka qaadatay dagaalka Al-Shabaab iyo guulaha waa weyn ee haatan laga gaaray.

“Isma dhaheynin waqti aad u yar in guul weyn uu ku gaaraayo ra’iisul wasaaraha iyo dowladda Soomaaliya, waana u hambalyeynayaa shaqada badan ee ay qabteen,” ayey tiri.

Hdalkan kasoo baxay Ilhaan ayaa kusoo aadayo ayada oo haatan dalka uu ku jiro marxalad dagaal oo adag iyo kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay horkaceyso dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka, waxaana laga gaaray guullo waa weyn.

Xamza-1.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 321842117_513769247488308_11887252270537 Ilhaan-1.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 Sacdiya-2.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 Ilhaan-Xamza.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 321736076_1466352407189894_6281484338869 Madaale.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 321794429_1280336672538449_6089479301856 322133202_673964901101981_55782308441111 322004729_856936035527913_45669488677544 Elmi-Nuur.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 321705162_1167573290819912_7342449356092 321791611_1675696422851342_2705223632312 Ilhaan-2.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 321958487_922537812011361_51668696640357 321704440_1189844081646313_5718438504967 321822979_510358224246935_12042953733253 322477143_664132242076023_61354433470376 321838485_861737124787944_69837318286756

The post Sawirro: Ilhaan Cumar oo shaacisay arrin ku dhacday kahor safarkeeda Somalia appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this