Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid kamid ah haldoorka Gobolka Sool oo Caawa Laascaanood lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1672074137110.jpg?resize=640%2C64

Dabley hubaysan ayaa fiidnimadii Caawa dil ka geystay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Goob-joogayaal ku sugan Laascaanood ayaa xaqiijiyay in koox hubaysan ay bartamaha magaalada ku toogteen marxuum lagu magacaabi jiray Cabdifataax Cabdillaahi Cabdi-Hadraawi.

Marxuumka oo kamid ahaa haldoor Gobolka Sool ayaa la toogtay xilli uu salaadda Cishe ka soo baxay masjid ku yaalla Laascaanood.

Kooxdii weerarka fulisay oo aan haybtooda aqoonsan ayaa goobta isaga baxsaday islamarkaana waxaa halkaas gaaray askar ka tirsan Booliska Somaliland.

PUNTLAND POST

The post Mid kamid ah haldoorka Gobolka Sool oo Caawa Laascaanood lagu dilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this