Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo dhisaysa guddi qaabilsan ilaalinta anshaxa iyo sharafta doorashada qof iyo cod

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1672082738371.jpg?resize=720%2C59

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ku dhawaaqay in la dhisayo guddi qaabilsan ilaalinta anshaxa iyo sharafta doorashooyinka qof iyo cod.

Qoraal dheer oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka ayaa lagu xusay in ay muhiim tahay dhismaha guddi qaabilsan anshaxa iyo sharafta doorashooyinka qof iyo cod.

Madaxweynaha Puntland faahfaahin kama bixin sida loo dhisayo guddiga ilaalinta anshaxa iyo sharafta doorashada islamarkaana kama hadlin shaqada uu qaban doono guddigaas.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhammaan la xallin doono cabashooyinka ka yimid soohdimaha degmooyinka ka hor inta aan la bilaabin diiwan-gelinta cod-bixiyaasha ee muddaysan shanta bisha kowaad ee sannadka cusub 2023.

FB_IMG_1672082934749.jpg?resize=720%2C10 FB_IMG_1672082940410.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post Puntland oo dhisaysa guddi qaabilsan ilaalinta anshaxa iyo sharafta doorashada qof iyo cod appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this