Sign in to follow this  
Deeq A.

Taiwan Oo Ku Waa Bariisatay Diyaaradaha Iyo Maraakiibta Dagaalka Shiinaha Oo Ku Hareereysan

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Taiwan ayaa sheegtay in Saaka ay ku waa bariisatay Ciidamo ka socda Dowladda Shiinaha oo hareereeyay Jasiiradda.

In ka badan 70 Diyaaradaha Shiinaha ah iyo 7 maraakiibta dagaalka ah ayey sheegtay Taiwan in Saaka la soo dhul dhigay taas oo cabsi galisay Jasiirada Mareykanku taageero.

Milateriga Shiinaha ayaa sheegay inay dhoollatusyo ka sameynayaan agagaarka Taiwan si ay uga jawaabaan waxa ay ugu yeedheen daandaansiga Mareykanka iyo Taipei.

Hoggaamiyaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa mar sii horreysay sheegay inay qasab tahay in Dalkiisa uu dhamaystiro yoolka midnimada iyo soo celinta Jasiiradda Taiwan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this