Sign in to follow this  
Deeq A.

38 Qof Oo Qabow Dartii Ugu Dhintay Dalalka Mareykanka Iyo Canada

Recommended Posts

Deeq A.   

Malaayiin qof ku kala nool waddaamda Mareykanka iyo Canada ayaa ku xayiran guryahooda xilli qabow aad u daran iyo dabeylo baraf wata ay u dhinteen illaa iyo dhowr iyo soddon qof.

In ka badan 60% guud ahaan dadka Mareykanka ayaa waajahaya digniino dhinaca cimilada ah iyadoo 175 kun oo qof ay waajahayaan koronto la’aan.

Ciidaammada ilaalada qaranka Mareykanka ayaa loo daabulay gobolka New York, halkaa oo ay mas’uuliyiintu la tacaalayaan dhibaatadan taagan.

Kummanaan duulimaadyo ah ayaa sidoo kale la xayiray, taasi oo sababtay in dad badan u suuragelin inay la dabaal dagaan qoysaskooda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this