Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhacdo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacday magaalada MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dhacdo xanuun badan oo xalay ka dhacday xaaafadda Ceel Qalow oo ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kadib markii ay carro kusoo doontay shaqaale ka shaqeynayey halkaasi.

Shaqaalaha aya ku howlanaa xilligaas dhismaha biyo mareen loo sameynayo waddada Ceel-Qalow oo ay inta badan biyuhu fariistaan xilli Roobaadyada, waxaana shaqaalaha soo gaaray dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan 4 kamid ah shaqaalaha ayaa ku dhintay dhacdadaan, kuwaas oo ay kusoo duntay, xilli ay ku jireen gudaha godka, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Sidoo kale la la’yahay mid kamid ah shaqaalihii ka shaqeynayey halkaasi, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah oo ku sugnaa goobta ay wax ka dhaceen.

Arrintan ayaa argagax ku reebtay dadka deegaanka ee ka agdhowaa goobta, kuwaas oo gurmad deg deg ah u sameeyay shaqaalaha ay qabsatay dhacdadaasi.

Waxaa sidoo kale goobta soo gaaray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada oo iyagu amray dhismaha biyo mareenkaas oo muddo dheer uu dhismihiisa uu soo socdo.

Si kastaba, ma’aha dhacdadan mid ugub ah, waxaana inta badan goobaha ay ka socdaan dhismayaasha waxyeelo kala duwan kasoo gaartaa shaqaalaha markaas dhismaha wada, taas oo marar badan lasoo wariyay dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dhacdooyinkaasi.

The post Dhacdo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacday magaalada MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this