Deeq A. Posted December 26, 2022 Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay shil khasaare nafeed dhaliyay. Shilkan ayaa saaka ka dhacay inta u dhexaysa kantaroolka Boosaaso iyo halka loo yaqaan Meermeerka sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal. Inta la xaqiijiyay saddex ruux ayaa ku geeriyooday shilkan uu galay gaari ka yimid dhinaca degmada Badhan ee Gobolka Sanaag. Gaariga shilka galay ayaa sida wararka sheegayan ku sii jeeday magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. PUNTLAND POST The post Shil khasaare dhimasho sababay oo ka dhacay Gobolka Bari appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites