Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Golaha Wadatashiga oo maanta furmayo – Maxaa laga wadahadlayaa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Muqdisho ee caasimada ee Soomaaliya uu furmo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada dalka iyo sidoo kale gobolka Banaadir.

Shirka oo ah mid deg-deg ah oo uu iclaamiyay madaxaweyne Xasan Sheekh ayaa ka dhacay Villada Soomaaliya, halkaas oo ay ka socoto qaban-qaabadii u dambeysay.

Inta badan madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa haatan ku sugan caasimada, sida madaxweynaha HirShabelle, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, madaxweynaha Galmudug iyo madaxweynaha Jubbaland.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland oo hadda maqan uu shirka uu uga qayb-geli doono aaladda Zoomka, sida marar badan oo horay u dhacday.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah ayaa waxaa looga arrinsan doonaa arrimo ay kamid yihiin, amniga, dagaalka Al-Shabaab ee haatan ka socdo gobollada dalka iyo qeybsiga kheyraadka dalka iyo arrimaha gurmada Abaaraha ee dalka.

Dood kale ayaa hadda taagan, taas oo la xiriirta muddo kororsiga madax goboleedyada dalka oo hadda sii laba kacleysay, maadaama Baydhabo uu ka dhacay dagaal ka dhashay muddo kororsigaLafta-gareen, waxaana la filayaa in ay madaxdu ka hadlaan arrintaasi.

Soomaaliya ayaa haatan ku jiro marxlad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana usii dheer xaalado siyaasadeed oo kacsan iyo sidoo kale abaaro baahasna oo weli ka jira dalka.

The post Shirka Golaha Wadatashiga oo maanta furmayo – Maxaa laga wadahadlayaa? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this