Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Howlgalka Al-Shabaab oo ku fiday Sh/Hoose – Maxaa dhacay maanta?

Recommended Posts

Deeq A.   

Marka (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab kusii fidinaya gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii kooxda laga qabsaday dhammaan degmooyinka gobolka deriska la ah ee Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka ayaa maanta fuliyey howlgallo qorshaysan oo ay iska kaashadeen ciidanka gaarka ah ee NISA iyo booliska Haramcad, kaas oo lagu sifaynayay waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho ilaa Marka. 

Sida lagu sheegay qoraalka ay baahisay warbaahinta dowladda, howlgallada ayey ciidamadu ku burburiyeen xarumo qarsoodi ahaa oo khawaarijtu ay ku lahaayeen deegaannada Ceel-maracade, Garas Gawaan, Galka Saalimo iyo deegaano hoos taga Number 60, kuwaasi oo u ahaa maxkamad beenaadyo iyo xarumo ay dadka ku baadaan marka ay ugu yeertaan. 

“Intii howlgalka uu socday sidoo kale ciidamadu waxay xireen wadooyin Khawaarijtu ay u isticmaali jireen gudbinta gawaarida waxyaabaha qarxa ay ku xiraan si ay ugu dhibaateeyaan shacabka,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Dadka amniga fallanqeeya ayaa rumesan in haddii Al-Shabaab laga sifeeyo gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, ay wax weyn ka qaban karto amniga magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. 

Inta badan qaraxyada ka dhaca Muqdisho ayaa lagu soo diyaariyaa gobolka Shabeellaha Hoose. Waxaa sidoo kale gobolkan ku yaalla maxkamadaha kooxda Al-Shabaab ay ugu yeerto shacabka Muqdisho ee diida lacagta canshuurta baadda ah ee laga qaado iyo amarrada kale ee kooxda. 

Haddii gobolkan laga wada saaro kooxda, islamarkaana la xaqiijiyo amniga Muqdisho, waxaa billaaban doonta inay diidaan canshuurta, taasi oo dhaqaale ahaan kooxda wiiqi doonta, ugu dambeynna keeni doonta in laga adkaado.
321898314_1179743312667408_6242562527511 322383586_1196551127913019_7463335586557 ciidamada-guul.jpeg?resize=696%2C522&ssl 321913530_1597787607334705_8207123235735 322258352_845451773177005_90634561646801 ciidan.jpeg?resize=696%2C928&ssl=1 321918803_1215290019393437_8966852175747 321957150_568457818429878_65231783236954 ciidanka.jpeg?resize=696%2C522&ssl=1 dagaal.jpeg?resize=696%2C928&ssl=1 ciidanka-dowladda.jpeg?resize=696%2C522& 322332152_728889291672251_59703502448562

The post Sawirro: Howlgalka Al-Shabaab oo ku fiday Sh/Hoose – Maxaa dhacay maanta? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this