Sign in to follow this  
Deeq A.

Liiska Muslimiinta Ugu Saameynta Badan Dunida

Recommended Posts

Deeq A.   

Machadka Royal Al-Bayat ee Fikirka Islaamka ee Jordan ayaa shaaca ka qaaday liiska 500 oo qof oo Musilimiin ah oo saameyn ku leh daafaha caalamka.

laba qeyb ayaa loo kala saaray.

1. Hoggaamiyaasha iyo Siyaasiyiinta

 2.Aqoonyahannada iyo culimada

Dadkan ayaa saameyn ku leh arrimaha bulshada, warbaahinta, sayniska, farshaxanka, dhaqanka iyo ciyaaraha.

Liiska ayaa waxaa qaybta kowaad kaga jira Boqoka Sacuudiga Salmaan bin Cabdulcasiis, hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiran Ayatollah Cali Khamenei, ayaa qaybta labada ku jira halka  Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani, uu yahay qofka saddexaad.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa isna ah qofka afaraad, madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed bin Zayed Al-Nahyan ayaa ku jira lambarka sideedaad ee liiskaan.

Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa nambarka tobnaad ah, Joko Widodo, madaxweynaha Indonesia, oo ah dalka ugu Muslimiinta badan caalamka ayaa ah qofka 15-naad ee dadka ugu saameynta badan caalamka.

Liiska ayaa lagu sheegay sidoo klae dad kale oo ay ku jirto haweenayda madaxweynaha ka ah dalka Tanzaaniya Samiya Suluhu Xassan oo ah lambarka 38.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this