Deeq A. Posted December 25, 2022 Taliban ayaa soo saartay amar haweenka Afgaanistaan lagaga mamnuucay in ay u shaqeeyaan hay’adaha aan dowliga ahayn. Hoggaamiyaasha Islaamiga ah ayaa sheegay in haweenka u shaqeya hay’daha samafalka ay baal mareen habka lebiska Islaamka oo aaney xijaab xidhan. Wareegtadan ayaa kusoo beegmaysa maalmo un kadib markii haweenka ardayda ah laga mamnuucay Jaamacadaha. Qaramada Midoobey ayaa cambaareysay tallaabadaasi iyadoo ku tilmaantay mid xadgudub ku ah xuquuqda aas-aasiga ah. Source Share this post Link to post Share on other sites