Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaban qaabada shirka golaha wadatashiga qaran oo Muqdisho ka socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyay ee shirka golaha wadatashiga qaran, kaas oo la filayo in waqtiyada soo socdo uu ka furmo caasimadda.

Madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada dalka ayaa caasimadda qaarkood hadda ay soo gaareen halka kuwa kalena ay ku soo wajahan yihiin.

Madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa hadda ku sugan magaalada Muqdisho, waaxana sidoo kale la filaya in ay soo gaaraan madaxweynayaasha Koonfur-galbeed, Jubbaland iyo Puntland.

Kulankaan ayaa la filaya in looga hadlo dardar gelinta hawlgallada ka dhanka ah ururka alshabaab ee ka socda qaar kamid ah gobalada dalka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this