Deeq A. Posted December 25, 2022 Wararja naga so gaarayo waaxda Janaraal Daa’uud ee degmada Wadajir ayaa sheegaya in khasaaro dhimasho ah uu ka dhashay dhisma biyamareen dhulka hoostiisa ah oo laga dhisayay wadada. Wararka ayaa sheegayo in ay soo duntay Warta Ceel Qalow Tubo La galinaayay Dhulka hoostiisa ilaa Bada Waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho ah, iyada oo ay ku naf waayeen afar kamid ah shaqaalihii ka shaqayn jiray. Marxuumiinta dhimatay ayaa kala ah: 1.C/naasir Axmed Maxamud Ina Shariifo Axmed Xuseen 16 Jir Ahaa Ku Dhashay Sh/Dhexe Daganaa Yaqshiid. 2.Cumar Muxudiin Xasan Ina Suldaano Xasan Gaabow 20 Jir Ahaa Ku Dhashay Sh/Dhexe Daganaa Yaaqshiid. 3.C/raxmaan Salaad Cabdulle Ina Aamino Maxamud Dhuxul 20 Jir Ah Ku Dhashay Sh/Dhexe Daganaa Yaaqshiid. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites