Sign in to follow this  
Deeq A.

Maleeshiyaad qabsaday xarunta wasaarada Caafimaadka Puntland ee Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1671956461712.jpg?resize=720%2C54

Maleeshiyo beeleed hubaysan ayaa saaka la wareegay xarunta wasaaradda Caafimaadka Puntland ee magaalada Gaalkacyo.

Maleeshiyaadka ayaa gebi ahaanba albaabada isu dhuftay xarunta wasaaradda islamarkaana weli gacanta ku haya sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal.

Lama oga sababta ka danbaysa in maleeshiyaadkan hubaysan qabsadaan xarunta wasaaradda.

Waxaase muddooyinkii danbe isa soo tarayay cabashooyinka ka imaanayay bulshada iyo eedeymo musuq maasuq ee loo jeedinayo xubnaha ugu sareeya Wasaaradda ee Gobolka Mudug.

PUNTLAND POST

The post Maleeshiyaad qabsaday xarunta wasaarada Caafimaadka Puntland ee Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this