Sign in to follow this  
Deeq A.

Marwo Ilhan Cumar oo ku wajahan magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1671959786736.jpg?resize=720%2C74

Xildhibaan Ilhan Cumar oo maalmahan booqasho ku joogtay Puntland ayaa ku wajahan magaalada Muqdisho.

Marwo Ilhan oo ka tirsan Golaha Wakiilada Maraykanka ayaa Khamiistii lagu soo dhaweeyay caasimadda Puntland ee Garoowe.

Ilhan ayaa sidoo kale booqatay degmooyin ka baxsan caasimadda oo ay ku jiraan Qardho iyo Bander-beyla halkaas oo soo dhaweyn loogu sameeyay.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda kale ee dowladda sidoo kale ayaa lagu wadaa in ay Muqdisho kula kulanto.

PUNTLAND POST

The post Marwo Ilhan Cumar oo ku wajahan magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this