Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhaan Cumar oo beenisay in loo diiday Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1671967210139.jpg?resize=720%2C48

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Wakiilada Maraylanka ayaa been-abuur ku tilmaantay in laga hor istaagay socdaal ay ku tegi lahayd Boosaaso.

Marwo Ilhaan Cumar oo wareysi gaar ah siisay BBC-da ayaa sheegtay in ay waxba kama jiraan yihiin wararka ku saabsan in laga hor istaagay Boosaaso.

” Waxba kama jiraan warka ah in Boosaaso la iga hor istaagay arrintaas waa been abuur” ayay BBC-da u sheegtay Ilhan oo ku sii jeeday Muqdisho.

Sidoo kale waxay sheegtay in ay horumar fiican ku soo aragtay degmooyin ka tirsan Puntland oo ay booqasho ku tagtay.

PUNTLAND POST

The post Ilhaan Cumar oo beenisay in loo diiday Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this