Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Axmed Madoobe oo laba arrin kala hadlay Wasiirka Difaaca Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Difaaca Kenya, Aadan Barre Ducaale oo maanta gaaray magaalada  Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Ujeedka socdaalka Wasiir Ducaale ayaa la xiriira kormeer uu ugu yimid Ciidamada Kenya ee ka midka ah howlgalgalka ATMIS ee ka qeyb-qaadanaya howlagallo la filayo in dhowaan laga bilaabo deegaanada Junbaland.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay diyaar garowga loogu jiro sidii loo bilaabi lahaa howlgalka Kooxda Al-Shabaab lagaga saarayo gobollada Jubbooyinka iyo tageerada Ciidamada Kenya ee ku sugan gobolladaasi.

Sidoo kale Axmed Madoobe iyo Aadan Barre Ducaale ayaa isla soo hadal qaaday sidii looga wada shaqayn lahaa amniga xuduudaha muddada ay socdaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro culus ka geysata guda dalkaasi.

Kenya ayaa xiriir dhow laleh Jubbaland oo ah maamul xuduud la leh dalkaasi, waxayna ciidamadooda si gaar ah uga howlgalaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya

Si kastaba, dowladda Kenya ayaa kamid ah dowladaha dariska ah ee ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika.

FB_IMG_1671954227290.jpg?resize=696%2C46FB_IMG_1671954222286.jpg?resize=696%2C46FB_IMG_1671954224722.jpg?resize=696%2C46

The post Sawirro: Axmed Madoobe oo laba arrin kala hadlay Wasiirka Difaaca Kenya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this