Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Qorshaynta Puntland oo ka noqday magacaabis uu sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1671952190425.jpg?resize=720%2C48

Wasiirka Qorshaynta Puntland Maxamed Siciid Faroole ayaa ka laabtay magacaabis uu sameeyay Todobaadkii hore kadib markii muran xooggan ka dhashay.

Wasiirka ayaa maalmo ka hor ku simaha Agaasimaha guud ee wasaaradda Qorshaynta u magacaabay Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar waxaase tallaabadaas ka dhashay muran la xiriira dhinaca sharciyadda.

Intaas kadib wasiirka ayaa ka noqday go’aankii hore waxaana uu ku simaha Agaasimaha guud ee Qorshaynta u magacaabay Ubax Cabdirashiid  Maxamed  oo ahayd Agaasimaha waaxda Qorshaynta ee Wasaarada.

Agaasimihii guud ee wasaaradda Qorshaynta Sharma’arke Xasan Cali ayuu dhawaan shaqada ka joojiyay wasiir Maxamed Siciid islamarkaana amray in baaritaan lagu sameeyo.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Qorshaynta Puntland oo ka noqday magacaabis uu sameeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this