Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Laftagareen oo taallaabo culus qaaday kadibna sameeyay…

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koobfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta qaaday tallaabo isbeddal ah oo ku wajahan maamulkaasi oo haatan wajahaya xaalad siyaasadeed oo aad u cakiran, wuxuuna sameeyay xilka qaadis iyo sidoo kale magacaabis.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa soo buuxiyay kursigii uu baneeyay Wasiirkii hore ee Warfaafinta K/Galbeed Ilyaas Cali Nuur, isagop xilkaas uu magacaabay Cabdifitaax Cali Yuusuf.

Ilyaas oo kamid ahaa saaxibada ugu dhow Madaxweynaha ayaa xalay ka tegay shaqada, isaga oo is casilaaddiisa u sababeeyay dagaalkii maalin kahor ka dhacay Baydhaba.

Sidoo kale Madaxweyne Laftagareen ayaa xilalkii ka qaaday Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha maamulka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee maamulkaasi, kadib wareegto uu soo saaray.

“Laga bilaabo maanta oo ay taariikhud tahay 25 December 2022 waxa uu madaxweynaha magacaabay xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada magacyadooda hoose: 1-Cabdifitaax Cali Yuusuf Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada ee DKGS.

2-Cabdullaahi Maxamed Aadan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib u Heshiisiinta ee DKGS.

3-Cumar Cabdiraxmaan Maxamed Wasiir ku xugeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Shaqaalaha ee DKGS,” ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha.

Koonfur Galbeed ayaa haatan ku jirta marxalad kala guur ah, waxaana ka dhashay muran xoogan oo ku aadan doorashada kusoo foodka leh maamulkaasi, waxayna xaaladdu isku beddashay gacan ka hadal, kadib markii la’isku qabtay muddo kororsiga halka sano ah ee dhowaan loo sii sameeyay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen)

The post Daawo: Laftagareen oo taallaabo culus qaaday kadibna sameeyay… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this