Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Qaacida Oo Shaacisay Muuqaal Uu Duubay Hoggaamiyahoodii La Aaminsanaa In La Dilay, Ayman Al-Azawaahiri

Recommended Posts

Deeq A.   

Al Qaacida ayaa sii deysay muqaal 35 daqiiqo ah oo ay kooxda sheegtay inuu duubay hogaamiyahooda Ayman al-Zawahiri, kaas oo la rumaysan yahay in lagu dilay weerar uu Maraykanku qaaday bishii Augusto ee sannadkan 2022. Sida lagu baahiyay bogga rasmiga ah ee Wakaaladda Wararka ee Rueters.

Codka ma lahan wax taariikh ah, halka qoraalka dul saaran aanu si cad u tilmaamin wakhti saxda ee qoray.

Zawahiri ayaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay dalka Afgaanistaan, taasoo ah dharbaaxadii ugu weyneyd ee soo gaadha kooxda xagjirka ah tan iyo markii la dilay aasaasihii ururka Osama Bin Laden sannadkii 2011-kii.

Al Qaacida ma magacaabin cid bedeli doonta. Laakiin Saif al-Adel, oo ah sarkaalkii hore ee ciidamada gaarka ah ee Masar, xubin sarena ka ah Al Qaacida, ayay khubaradu u arkaan inuu yahay musharaxa ugu sarreeya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this