Sign in to follow this  
Gabbal

Ciidanka dawladda oo dhinaca koonfureed udhaafay Dhuusamareeb.

Recommended Posts

Gabbal   

Dhuusamareeb: Ciidanka dawladda oo dhinaca koonfureed udhaafay Dhuusamareeb.

Talaado, December 26, 2006

 

APL

 

Dhuusamareeb(AllPuntland)- Wararka aannu ka helayno magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in ciidanka dawladda federaalka Soomaaliya ay maanta si nabad galyo ah ku galeen magalada Dhuusamareeb.

 

Wariyaha shabakadda AllPuntland oo kusugan magaalada Dhuusamareeb oo aannu kula xiriirnay khadka taleefonka Sattalaytka ayaa noo sheegay in wax garadka Dhuusamareeb iyo ciidanka dawladda ay isku afgarteen in magaaladaasi si nabad ah lagu galo isla markaana waxa hubka ah ee yaalla Dhuusamareeb lasoo wareejiyo.

 

Wariyahayagu wuxuu kaloo noo sheegaegay in illaa lix gaari oo tikniko ah lagu soo wareejiyay ciidanka dawladda, haddana ay ciidamada dawladda federaalku dhowr km koonfur u dhaafeen magaalada Dhuusamareeb.

 

Wararku waxay sheegayaan in ciidanka dawladdu ay doonayan inay gaaraan magaalada Baladwayn oo ah saldhig kale oo wayn oo ay kusugan yihiin ciidamo kale oo ka tirsan federaalka .

 

Cuqaasha kusugan magaalada Dhuusamareeb iyo magaalooyinka ku xiriira ee ay kamid tahay Guriceel ayaa wada hadal kadib go'aan ku gaaray in wax iska caabbin ah aysan dawladda kaga imaan doonin gobolka Galguduud.

 

War naga soo gaaray madaxda dawladda federaalka ayaa noo xaqiijiyay in saacadaha soo socda dawladda federaalka ciidamadeedu inay horumar wayn ka samayn doonaan dagaalka, ayagoo la wareegi doona magaalooyin istaraatiiji ah.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Degaano ka tirsan Galmudug oo ka baxay gacanta Maxkamadaha

 

Ciidamo isugu jira maamul goboleedka Puntland, kuwo uu hoggaaminayo Cabdi Qeybdiid oo ay taageerayaan ciidamo Itoobiyaan ah ayaa xalay saqdii dhexe la wareegay degaanada Gelinsoor iyo Dhuusamareeb, iyadoo halkaasi aanu ka dhicin dagaal sidaas u weyn oo dhex maray ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ah ee hore halkaasi u joogay iyo kuwa ay taageerayaan ciidamada Itoobiyaan ah.

 

Taliyaha ciidamada qabsaday degmada Dhuusamareeb oo lagu magacaabo Cabdi Shire ayaa sheegay in dagaalkaasi aanu geysan wax qasaare ah, isagoo sheegay in markii ay soo galeen magaalada ay kulamo la yeesheen waxgaradka iyo bulshada degaanka ku dhaqan, isagoo tilmaamay in xaalada degaanadaasi ay haatan caadi ku soo noqotay.

 

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamadii Maxkamadaha Islaamiga halkaasi u joogay ay kala hayaameen, iyadoo arrintaasi ay sabab u tahay sida ay sheegayaan wararka cabsi xoog leh oo ka soo wajahday in haddii isku dayaan inay is difaacaan laga soo weeraro dhinaca cirka.

 

Dhinaca kale lama sheegin wax qasaare ah oo uu geystay dagaalkaasi ka dhacay degmooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado, iyo tiknikooyin lagu kala qabsaday, waxaana ilaa iyo iminka la kala garan halka ay u dhaqaaqeen in ka badan 80-gawaarida dagaalka ah iyo ciidamadii saarnaa oo taageersanaa Maxkamadaha Islaamiga ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this