Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Tahay Tallaabada La Xidhiidha Taiwan Uu U Qaaday Mareykanka Ee Shiinaha Sida Aadka Ah Uga Ka Cadheysiisay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Shiinaha ayaa si xooggan u dhaleeceeyay tallaabada uu Mareykanka uu sare ugu qaaday kaalmada millateri uu siinayo Taiwan.

Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa sheegay in arrintani ay dhaawac weyn u geysatay amniga iyo xasiloonida ka jirta jasiiradda Taiwan.

Dhaleeceynta Shiinaha ee Mareykanka ayaa timid iyadoo jawaab u ah xeerka kharashaadka gaashaandigga ee Mareykanka kaasoo ogolaanayo in toban bilyan oo doollar loogu deeqo Taiwan si looga taakuleeyo amniga iyo hubka.

Wasaaradda arrimaha gaashaandhigga Taiwan ayaa bogaadisay xeerkan isla markaana sheegtay in uu muujinayo in muhiimadda uu Mareykanka siinayo sare u qaadidda amniga jasiiradda Taiwan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this