Sign in to follow this  
Deeq A.

15 Wasiir haddii aanay soddon sanno ku diyaarin foreign policy document, maxaa Meesha la ga qabtaa?

Recommended Posts

Deeq A.   
15 Wasiir haddii aanay soddon sanno ku diyaarin foreign policy document, maxaa Meesha la ga qabtaa?
Oo haddaa maxaay qabtaan?
20 gii Bishan December, shabakadda Somaliland Chronicle waxa ay baahisay waraaq uu diyaariyay Cabdifataax Axmed Ileeye. Waa waraaq uu ku soo ururiyay natiijada baadhitaan uu ku sameeyay sida ay u shaqayso Wasaaradda Arimaha Debeddaa ee Somaliland. Cinwaanka waraaqda ayaa soo koobaaya nuxurkeeda – Wasted Three Decades for Seeking Somaliland’s Recognition: Critical Assessment on Somaliland Ministry of Foreign Affairs’ Institutional Mechanisms – Soddon sanno oo la khasaariyay dhinaca ictiraaf doonka: qiimayn xasaasi ah oo la gu sameeyay nidaam hawleedka xafiisyada Wasaaradda Khaarajiga Somaliland.
Markii qoraaga warbixintani uu baadhista waday ayaan xagaagii sanadkan Hargeysa ku la kulmay, shaqo muhiim ah in uu wado na waa la socday. Runtii, qormadaas qofkii wax ogaa wax dheeraad ah baa u ga baxaaya, qofkii aan waxba ogayn na, waa baa ku beryaaya. Haa, waa baa ku beryaaya, waxaana ku soo degdegaysa su’aasha aan qoraalkan ku bilaabay – Oo haddaa maxay wasaaraddani soddon kaas sanno qabanaysay? Qormada waxa u gu muhiimsan qaybta saddexaad iyo ta afraad, waxaanu qoraagu kashifayaa in Wasaaraddu aanay lahayn, haba yaraatee, siyaasadihii iyo xeerarkii shaqadeeda hagi lahaa nooc ay ku yihiinba. Wuxu tilmaamayaa, oo aanan hore koleyba u ogayn, in Wasaaradda Khaarajiga ee SL ay 15 wasiir isaga dambeeyeen. Qormadu waxa ay sheegaysaa, oo waagii ii gu dambaysay sidii aan ku ogaa u taala, in Wasaaradda Khaarajigu aanay lahayn istraatijiyad loo raaco hagista siyaasadda arimaha debedda! Waxa uu sheegayaa wasaaraddu in aanay lahayn Sharciga Adeegyada Debedda (Foreign Service Law) iyo Sharciga qorista iyo hawlgelinta shaqaalaha iyo dublamaasiyiinta (Law on Employment of Diplomatic and Consular Personnel). Xataa wasaaraddu ma laha xeer waajibaadkeeda u sheega, waxayna ku dhisantahay uun faqradda 40aad ee Sharci 71, 2015, kaas oo ka la xadeeya shaqooyinka wasaaradaha. Faqradda Sharcigaas ee Wasaaraddu ku dhisantahay ma sheegaayo waajibka Wasaaradda, gaar ahaan waxa ictiraafka la gu sheego.
Marka ay sidaas tahay, Meesha waxa imanaaya su’aalo badan. Horta istratijiyadahaas maxaa loo ga baahanyahay? Si kooban haddii loo sheego, inta uu iskuul u ga baahanyahay manhaj tacliineed (curriculum) in leeg ayay wasaarad kastaa u ga baahantahay istratijiyad ay u raacdo xaqiijinta yoolasheeda, waa se hadii ay yool leedahay! Markaa 15 wasiir hadii aanay soddon sanno ku diyaarin foreign policy document, maxaa Meesha la ga qabtaa? Geesta kale, ictiraafkii la sheegsheegi jiray ee haatan warkiisa la is ka dhigay, saw ma cadda in been iyo ciyaar ciyaar uu is ka ahaa? Geesta kale, malaayiinta miisaaniyadda ah ee wasaaraddan la gu bixiyo, ee hadba nin ordayaa shandadda ku qaato, maxaa loo gu magac bixiyaa? Waraaqdii miisaaniyadda Wasaaradda ee sanadkii hore, waxa ku jiray wakiillo Somaliland u jooga Yemen, Koonfurta Sudan iyo Sucuudiga oo kiro xafiis iyo mushaharooyin loo diro. Dabcan waa wax la gu qoslo, laakiin waa rajo umadeed oo halkaas iyo sidaas ku hagaastay.
U gu dambayn, weydiinta micnaha leh ee halkan imanaysaa waxa ay tahay, soddon sanno dhaqanka sidan ahi ma ka aqoon iyo karti darraa, mise waa hagrasho iyo lugooyo qorshaysan? Labada ki ay noqotaaba ka kale wuu ka liitaa. Waxa loo baahanyahay in weydiimahaas iyo kuwo la jaad ah la is weydiiyo. Soddon sanno ka dib, waan is ka dhoofay, iyo waan is ka soo noqday, oo ictiraafkii na in yar buu soo jiraa jawaab ma noqon karto. Koley dadka intooda miyir qabta jawaab ma u noqon karto.
Waxa Qoray Maxamed Haaruun
May be an image of 1 person and indoor

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this