Sign in to follow this  
Deeq A.

Uhuru Kenyatta oo tagaya gobalka Tigray

Recommended Posts

Deeq A.   

Uhuru Kenyatta Madaxweynihii hore ee dalka Kenya ayaa maanta u safraya dalka Itoobiya gaar ahaan gobalka dhaca waqooyiga dalkaas ee Tigrayga, halkaas oo uu ku tagayo kormeer iyo xaqiijinta dhaqan galka heshiiska nabadeed ee TPLF iyo dowladda Itoobiya.

Socdaalka ayaa imaanaya kadib markii heshiis wadajir ah loogu fasaxay guddigaan in ay kormeeraan gobalka si loo xaqiijiyo in la fuliyay wixii lagu heshiiyay.

“Dhammaantood waxay dhinacyadu ku heshiiyeen in kooxda la socodka iyo hubinta ee Midowga Afrika ay si buuxda u helaan, aragti buuxda oo dhinac kasta ah, si loo hubiyo in dhammaan qodobbada lagu heshiiyay dhab ahaantii la fuliyo,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Labada dhinac ee TPLF iyo dowladda Itoobiya ayaa isku raacay in lasameeyo koox kormeerayaal ah oo xaqiijisa fulinta heshiiskii la gaaray, waxaana kooxdaas qayb ka ah Uhuru Kenyatta.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this