Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Pakistan oo heshiis saxiixday + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Islamabad (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa heshiis cusub ku kala saxiixday magaalada Islamabad ee dalkaasi, kaas oo sare loogu qaadyo xiriirka heer Baarlamaan ee labada dal iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Pakistan.

Waxaa heshiiskan wada gaaray guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Pakistan, Raja Pervez Ashraf iyo wafdi ka socday baarlamaanka Soomaaliya oo haatan ku sugan dalkaasi.

Sidoo kale waxaa saxiixa heshiiskani goobjoog ahaa wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo isna hadda booqasho ku jooga waddanka Pakistan, kaas oo boggaadiyey heshiiska ay gaareen labada Baarlamaan, si ay u yeeshaan xiriir dhow.

Dhankiisa Raja Pervez Ashraf oo madasha ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in kor u qaadista xiriirka Baarlamaanada labada dal ay faa’iido u leedahay labada dhinac.

Afhayeenka Baarlamaanka Pakistan ayaa intaas kusii daray inay kala faa’ideysan karaan khibradaha iyo waayo-aragnimada, ayna is-dhaafsan karaan wax badan oo muhiim ah.

Ujeedka heshiiiskan cusub ayaa muhiimaddiisa ayaa sidoo kale la xiriira sidii loo hormarin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee ka dhexeeya Islamabad iyo Muqdisho.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay xoojinayey xiriirkiisa arrimaha dibadda, waxaana guddoonka uu booqasho ku tegay dalal dhowr ah oo u badan kuwa ku yaalla Qaaradda Yurub, si uu ula yeesho xiriir xoogan oo ku aadan dhanka wada shaqeynta.

321671689_830840428009099_51288093083664 321481505_1126404034733387_3579256852419 321511792_692925608939359_10406720855156 321559544_1215945985938777_3161531008751321440223_1299065690639056_1886919489152

The post Soomaaliya iyo Pakistan oo heshiis saxiixday + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this