Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhan Cumar oo maanta booqanaysa degmada ay ka soo jeedo ee Bander-bayla

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20221224_130225812.png?resize=720

Xildhibaan Ilhan Cumar oo safar ku joogta Puntland ayaa maanta booqanaysa degaanka ay ka soo jeedo.

Marwo Ilhan ayaa lagu wadaa in ay booqato degmada taariikhiga ah ee Bander-bayla oo dhacda xeebta badweynta Hindiya.

Xildhibaanka ayaa xalay ku hoyatay magaalada Qardho halkaas oo loogu sameeyay soo dhawayn.

Xildhibaan Ilhan oo ka tirsan Baarlamanka Maraykanka ayaa markii u horraysay Puntland timid tan iyo intii ay xilkan qabatay.

PUNTLAND POST

The post Ilhan Cumar oo maanta booqanaysa degmada ay ka soo jeedo ee Bander-bayla appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this