Sign in to follow this  
Deeq A.

Marwo Ilhan Cumar oo munaasabad soo dhawayn ah loogu sameeyay Madaxtooyada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1671773925393.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Xalay Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe kaga qeybgalay Munaasabadda soo dhoweynta Xildhibaan Ilhaan Omar oo ka tirsan  Congress-ka Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa muujiyey Ilhaan Cumar in ay Tusaale nool u tahay kartida iyo dadnimada hablaha Soomaaliyeed, wuxuu ku soo dhoweeyay Puntland, isagoo boggaadiyey dadaalkeeda ay ugasoo dhexmuuqatay Siyaasadda Maraykanka.

Ilhaan Cumar ayaa uga Mahadcelisay Madaxweynaha, Dowladda iyo dhammaan Shacabka Puntland sida wanaagsan ee ay ugu soo dhoweeyeen Puntland, waxayna aad ugu riyaaqday Dimuqraadiyadda Puntland ka taabagashay, Iyadoo muhiimada Dimuqraadiyadda tusaale ugusoo qaadatay Guusha ay ku gaartay Codka Shacabka Maraykanka .

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka JFS, Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdixakiim Dhoobo-Daarood iyo Axmed Cali Xaashi, Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre Xasan Yuusuf, Goleyaasha Dowladda, Guddiga Doorashooyinka ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland , Jaaliyadda Qurbojoogta ee (PDF) , Ururada Siyaasadda, Ururada Bulshada, Waxgaradka, Haweenka , Dhallinyarada iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.

FB_IMG_1671773925393.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1671774082459.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1671773959330.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1671773929483.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1671773942528.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1671773954502.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1671773938495.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1671773964765.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1671773969323.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1671773996399.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1671774020223.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1671774001122.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1671774030753.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1671774094272.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1671774005713.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1671774120749.jpg?resize=720%2C48

The post Marwo Ilhan Cumar oo munaasabad soo dhawayn ah loogu sameeyay Madaxtooyada Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this