Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Aadan Madoobe oo xiisadda Koonfur Galbeed u gudbiyay Anita Kiki

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan gaar ah kula yeeshay Marwo Anita Kiki Gbeho oo ah ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM).

Sheekh Aadan Madoobe ayaa Anita Kiki kala hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan tan kacsan ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, si xal loogu helo.

Ugu horreyn guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa la wadaagay ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay arrinta Koonfur Galbeed, gaar ahaan wuxuu u gudbiyay warbixin ku aaddan booqashooyinkii uu ku tagay degmooyinka Xudur iyo Baydhabo oo ay ku noolyihiin dad ka soo barakacay deegaanada ay ku sugan yihiin Shabaab.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa ku booriyay Anita Kiki in deegaannadaas la booqdo si wax loogu qabto dadka danyarta ah ee aan heysan nolol maalmeed ku filan.

Dhankeeda Marwo Anita Kiki Gbeho oo kulan ka hadashay ayaa taageertay arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, waxayn boggaadisay doorka guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo haatan wada dadaallo ku aadan dhex-dhexaadinta labada dbhinac.

Sidoo kale Marwo Anita Kiki Gbeho ayaa sheegtay UNSOM inay sii wadi doonto taageeradda Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan looga hadlay xaaladda Koonfur Galbeed ayaa kusoo aadayo laba maalin uun kadib markii uu Madaxweyne Lafta Gareen u dabaal-degay sanad guuradiisii 4-aad, waxaana haatan u bilaabatay muddo kordhinta halka sanno oo ay kasoo horjeedaan mucaaradka.

321607980_429833435902665_34586114410922 321293128_2125266504530480_6226427775975 321457521_456287600035037_19072016860357 321524204_1136471447072737_1408151972098

The post Sawirro: Aadan Madoobe oo xiisadda Koonfur Galbeed u gudbiyay Anita Kiki appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this