Sign in to follow this  
Deeq A.

Afgembi Fashilmay Oo Ka Dhacay Dalka Gambia

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Gambia ayaa Arbacadii sheegtay inay fashilisay afgambi militari, ayna xidheen afar askari oo qorsheynayay inay afgambiyaan maamulka Madaxweyne Adama Barrow.

War qoraal ah oo ay soo saartay ayay ku sheegtay in taliska guud ee ciidamada qalabka sida ee Gambia ay gacanta ku dhigeen afar askari oo lala xidhiidhinayo afgambiga la sheegay inuu fashilmay kadib howlgal ay ciidamadu sameeyeen salaasadii.

“Iyada oo lagu saleynayo warbixinnada sirta ah… qaar ka mid ah askarta Gambia ayaa qorsheynayay inay afgambiyaan dowladda sida dimoqraadiga ah loo soo doortay,” ayay dowladdu sheegtay Arbacadii.

Isku dayga afgambiga ayaan ku cusbayn dalka Gambia, oo ah dal yar oo galbeedka Afrika ah oo ay ku nool yihiin 2.5 milyan oo qof oo ay ku hareeraysan yihiin gebi ahaan dalka Senegal, kaas oo weli la ciirciiraya in ka badan labaatan sanno oo madaxweynihii hore ee Yahya Jammeh uu xukun keli-talis ah ku maamulayey iyo tacadiyo lagu eedeeyey.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this