Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo sii daysay 6 Askari oo Jabuutiyaan ah 

Recommended Posts

Deeq A.   

Itoobiya oo sii daysay 6 Askari oo Jabuutiyaan ah 

Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay ku guuleysatay in ay si nabad ah ku sii deyso lix ka tirsan Ciidanka Jabuuti oo ay haysteen maleeshiyaadka FRUD, sida ay baahisay warbaahinta Fana (FBC).

War-saxaafadeed uu Arbacadii shalay soo saaray, Ambassador Fesseha Shawel, oo ah Agaasimaha Guud ee Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa sheegay in dawladda Itoobiya ay ku guuleysatay in ay si nabad ah ku sii deyso lixdan askari.

Askartan ayaa la afduubay 6-dii October xilli ay rag hubaysan weerar ku qaadeen xero ciidan oo ku taal bariga Jabuuti, halkaas oo ay ku dileen 7 askari afar kalena ay ku dhaawaceen.

Kooxda hubaysan ee FRUD, oo xiriir la leh qoomiyada Canfarta, ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Kooxdan hubaysan ayaa sannadkii la aasaasay 1991-kii, waxayna ku bilaabatay kacdoon ka dhan ah dawladda Jabuuti, iyagoo ku andacoonaya inay difaacayaan danaha shacabka Canfarta.

12kii bisha Oktoobar, Jabuuti waxay kooxda u magacawday “urur argagixiso”.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this