Deeq A. Posted December 22, 2022 Ilhaan Cumar oo booqasho ku tagtay Garoowe Ilhaan Cumar Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa maanta booqasho ku tegtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay Ilhaan Omar, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa. Booqashada oo weli aan si rasmi ah loo shaacin u jeedkeeda ayaa qaadan doonto dhowr maalmood, sida ay sheegtay Puntland. Ilhaan ayaan weli dhankeeda ka hadal booqashada. Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib ayaa sandkii 2018 noqday labadii gabar ee ugu horreeyey ee Muslim ah ee ku biira Aqalka Wakiilada Mareykanka. Ilhaan ayaa sidoo kale noqotay qofkii ugu horreeyey ee Soomaali ah ama ku dhashay Afrika oo Aqalka ka mid noqda. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites