Sign in to follow this  
Deeq A.

Coldoon oo laga sii daayey xabsiga Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16716897169547604.jpg?resize=720%

Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa saaka laga sii daayey xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa, kadib markii uu dhamaystay xukun labo sano ah oo ku riday Maxkamadda Racfaanka Hargeysa.

Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo Hargeysa ku xirnaa tan iyo bishii Agoosto 2021 ayaa Maxkamadda gobolka Maroodijeex (Waqooyi Galbeed) ee Somalind wax dambi ah ku wayday bishii February ee sanadkan 2022, balse xeer Ilaalinta ayaa racfaan ka qaadatay go’aanka maxkamadda.

Coldoon ayaa Somaliland xirtay markii uu ku ololeeyay in Xarunta Dhaqanka Hargeysa lagu marti qaado dad u ololeeya guurka dadka isku jinsiga ah xililiyada bandhiga buugaagta iyo in dugsiga Abaarso lagu faafiyo dhaqamada Masiixiga.

Maamulka Somaliland ayaa marar badan xiray Cabdimaalik Coldoon oo ah wariye madax-bannaan sidoo kale ah samafale gacan siiya dadka tabaalaysan.

PUNTLAND POST

The post Coldoon oo laga sii daayey xabsiga Hargeysa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this