Deeq A. Posted December 22, 2022 Wararka naga soo gaarayo magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ahaa sheegaya in goordhaw xabsiga laga sii daayay Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon. Wariyaha ayaa laba sano ka hor la xiray kadib markii ciidamada ka soo qabteen magaalada Burco. Coldoon ayaa loo haystay eed ka dhan ah dugsiga Abaarso oo ku yaalla Somaliland, kaas oo xeer ilaalintu ku eedeysay in uu aflagaadeeyay. Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon ayaa dhawrjeer oo horay waxa uu la kulmay xarig, isagoo marba ay ciidamada eed u soo jeedinaayeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites