Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dalka yimaadeen ciidamo tababar ugu manaa Eretria

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maanta oo Arbaco ah ay magaalada Muqdisho soo gaareen qaybtii ugu horeysay ee ciidamo tababar ugu maqnaa dalka Ereteriya.

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Cabduqadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in ay ciidamadaan oo tababar muddo dheer ugu maqna Ertreai ay dalka yimaadeen qaybtoodii ugu horeysay.

Ciidamadaan ayaa sidoo kale wasiirka uu sheegay in maalmaha soo socda ay soo dhameystirmi doonaan, iyaga oo qayb ka noqon doono dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u sheegay in ay ciidamada tababarka ku maqan ay dalka dib ugu soo noqon doonaan, si ay qayb uga noqdaan dagaalka Al-shabaab looga xuraynayo dalka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this