Sign in to follow this  
Deeq A.

Heshiis ay ka maqan tahay Puntland oo gaareen DF iyo dowlad goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradaha Dowladda Federaalka, Koonfur Galbeed, Jubaland, Hirshabeelle, Galmudug, Guddoomiyaha Haweenka gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka ayaa heshii ku gaaray magaalada Baydhabo.

War-mirtiyeed ay wadajir u soo saareen ayaa lagu xusay 8 qodob oo la xiriira horumarinta haweenka iyo ilaalinta xuquuqdooda, waxaana heshiiskaas ka maqnayd Puntland.

Qodobada ay ku heshiiyeen Wasaaradaha Dowladda Federaalka, Koonfur Galbeed, Jubaland, Hirshabeelle, Galmudug, Guddoomiyaha Haweenka gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka ayaa kala ah:

1. In gacan laga gaysto ansixinta iyo dhaqangelinta sharciyada lagu ilaalinayo xuquuqda haweenka, caruurta iyo dadka naafada ah.

2. Fulinta iyo dhaqangelinta qorshaha qaranka ee haweenka, nabada iyo amniga ee hirgelinta qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 1325.

3. Mashruuca dhaqaale abuurida ee haweenka iyo u adkeysiga isbeddelka cimilada.

4. Dhismaha iyo qalabeynta xafiisyo ay yeelanayaan wasaaradaha haweenka federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

5. Ilaalinta mas’uuliyadda wasaaradaha, gaar ahaan mashaariicda ku saabsan haweenka, caruurta iyo dad naafada ah.

6. Fulinta qorshaha dowladda ee doorka haweenka nabadeynta amniga iyo xasilinta.

7. In dhammaanka kulamada Protection Cluster’s-ka ay hoggaamiyaan wasaaradaha haweenka.

8. Qabanqaabada shir-weyne haween oo ay diyaarinayso Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Dowladda Federaalka, kaas oo la qaban doona bisha February 2023.

FB_IMG_16716212948493121.jpg?resize=720% FB_IMG_16716212987786966.jpg?resize=720% FB_IMG_16716213283790742.jpg?resize=720%

The post Heshiis ay ka maqan tahay Puntland oo gaareen DF iyo dowlad goboleedyada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this