Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo La Kulmay Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinla

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaran Maxamuud Macalin Cabdulle oo uu wehliyo Kaaliyaha Guddoomiyaha, oo ku sugan deegaannada Hirshabeelle.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa sheegay inay keeneen deeq gargaar ah oo loogu talagalay in looga faaideeyo 666 qoys oo ay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ay u qorsheyn doonto dadka liita ee u baahan caawinta deg dega ah.
Madaxweynaha ayaa hay’adda SoDMA u ballanqaday dhul ay ku shaqeeyaan oo laga hirgalinayo xarunta Gurmadka degdeg dhowaana laga dhagax dhigi doono Magaalada Jowhar ee Caasimada Dowladda Hirshabeelle, waxaana uu kusoo aadayaa xilli abaaro ay wali ka jiraan.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this