Sign in to follow this  
Deeq A.

TPLF Oo Shaki Galisay Heshiiskii Ay La Galeen Dowladda Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

TPLF ayaa shaki galisay sida uu u fulayo heshiiskii ay dhawaan gaadheen iyaga iyo dowladda Itoobiya ee lagu kala saxiixday Koonfur Afrika iyo dalka Kenya.

Sida ay baahiyeen Warbaahinta gobolka Tigray Hoggaamiyaha TPLF ahna Madaxwaynaha gobolka Tigray Debretion ayaa baarlamaanka gobolka Tigray u sheegay inay dawlada Itoobiya ayna wali si buuxda u fulin inta badan waxyaabihii lagu heshiiyay, isagoo xusay in dhinacooda waa TPLF ee ay fuliyeen heshiiskii intii badnayd.

Dhinaca kale dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay wadaan howlo badan oo qayb ka ah waxyaabihii lagu heshiiyay oo ay kamid tahay howlaha horumarinta sida Adeegga Korontada, Isgaadhsiinta oo ay dowladdu sheegtay in inta badan lagaadhsiiyay gobolka Tigray.

Gobolka Tigray ayaa wixii heshiiska ka dambeeyay waxaa gaadhay gargaar kala duwan oo isugu jira Raashin iyo mucaawano kale oo ka kala imanayay hay’adaha gargaarka bixiya, kuwaas oo hore aysan ugu suurtagalin inay gargaar raashin gaadhsiiyaan gobolka Tigray.

Bilo ka hor ayay TPLF iyo dowladda Itoobiya heshiis ay garwadeen ka ahayd Midowga Afrika ku gaareen Koonfur Afrika iyo Kenya, halkaas oo lagu kala saxiixday heshiis taariikhi ahaa oo horey aysan labada dhinac isugu iman, kaas oo soo afjaray colaad muddo labo sano ahayd ka socotay gobolka Tigray.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this